Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa diiday dalab casuumaad ah oo uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya, oo ku xusneyd inuu yimaado Muqdisho, si xal looga gaaro xiisada Hirshabelle ka oogan.
Wuxuu si cad uga soo horjeestay inuu yimaado Muqdisho, isagoo taa baddelkeeda dalbaday in Baladweyne ay ugu timaado cidii tabasho qabta.
Cali Jeyste wuxuu ku dhawaaqay maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, kaas oo uu sheegay inuu ka yahay Madaxweyne, isla markaana ay doorteen shacabka.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Cali Jeyte uu wal wal ka muujiyey inuu yimaado Muqdisho, halkaas oo ay macquul tahay markuu yimaado in lagu xanibo.
Arrintan ayaa sii adkeyneysa xaaladda ka taagan Hirshabelle, halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.