Sunday, September 14

Saacadaha soo socda, waxaa laga cabsi qabaa in dagaal xooggan uu ka qarxo duleedka Laascaanood gaar ahaan aagga Goojacade oo wax ka badan lix bilood ay isku horfadhiyaan Milatariga Somaliland iyo xoggaga SSC.

Dhinacayada saacadihii la soo dhaafay waxaa u yimid gurmadyo kala duwan, oo isugu jira, ciidan, hub iyo gawaari, taas oo fariin colaadeed oo hor leh direysa.

Todobaadyadii ugu danbeeyey dhinacayada ayaa isku adeegsanayey madaafiic, kuwaas oo khasaare xooggan gaarsiiyey gudaha Laascaanood, waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen masaajido lagu cibaadeysto.

Dagaalka Laascaanood ayaa keenay, in dad badan ay ka barakacaan guryahooda, kuwaas oo ilaa maanta wajahaya xaalad nololeed oo adag.

Dhinacayada ayaa kal hore dhagaha ka fureystay baaqyo nabadeed oo uga yimid Soomaalida iyo Beesha Caalamka, waxaana dhinac walba uu kan kale ku eeddeynayaa hurinta dagaalka socda.

Exit mobile version