Saturday, September 13

Cabsi aad u xooggan ayaa waqtigan la soo gudboonaatay dadka Muqdisho, xilli maalintii shalay ahayd weeraro hoobiyayaal ah lagu qaaday gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Weerarkii hoobiyayaasha ee shalay lagu beegsaday suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10-qof , iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weerarkan ayaa cabsi xooggan u horseeday dadka caasimadda, oo mudooyinkii ugu danbeeyey dareemayey jawi nabdoon.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo dhacadan ka hadlay ayaa sheegay in ay baarayaan halka laga soo ganay hoobiyayaashan, oo sida ay dowladu sheegtay ay soo tuureen kooxda Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey weeraro hoobiyayaal ah la beegsanayey gudaha Muqdisho, gaar ahaan xarunta Villa Somalia iyo Garoonka Muqdisho, waxaase falkan uu ka duwan yahay kuwii hore, maaddaama lagu bartilmaameedsaday suuqii weynaa ee Bakaaraha.

Exit mobile version