Friday, September 12

Wax ka badan 21 sano oo ay dhisan tahay shirkada isgaarsiinta Hormuud, waxey iminka la kulmeysaa caqabadii ugu darneyd ee dhanka amniga ah, iyadoo loo joogteeyey weeraro kala duwan.

Hormuud 21-kii sano ee ay jirtay waxey la fal gashay heer walba oo nololeed oo ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay inta badan xarumo ku leedahay.

Waxey shirkada kaalin ku yeelatay hannaanka wax soo saarka dalka, sida beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha, iyadoo sidoo kalana saameyn ku yeelatay adeega dhaqaalle ee suuqyada dalka, taas oo meesha ka saartay isticmaalka shilinka Soomaaliga, oo baddelkiisa aad loo isticmaallo adeega EVC puls.

Hormuud waxey geesta kale door muuqda ka ciyaartay dhismaha dalka, iyadoo dhidibada u taagtay shirkado dhiso guryaha iyo kuwo ka shaqeeya korontada.

Ballaarinta howlaheeda ka baxsan isgaarsiinta, waxey kala kulantay dhaliilo kala duwan, oo uga imanayey bulshada, kuwaas oo lagu sheegayey in aanay waxba u hambeynin shacabka.

Waqtigan waxey shirkadu wajaheysaa culeys amni oo aad u daran, waxaana bilihii ugu danbeeyey waxyeelo la gaarsiiyey xarumo ay shirkadu leedahay iyo qaar ka mid ah shaqaalaheeda.

Weeraradan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa Shirkadda ku weysay nolosha qaar ka mid ah shaqaaleeda iyo hanti aan weli tiro koob lagu sameyn.

Dhacdadii ugu danbeysay 25- bishan gaari nuuciisu yahay kuwa shidaalka qaaday oo ay leedahay Shirkadda Hormuud ayaa lagu qarxiyay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, waana weerarkii 12-aad oo waxyeello u geysta Shirkadda muddo 40 cisho ah gudahood.

Sida ay Hormuud la wadaagtay Hortabin Ma jirto hay’addo amni oo Shirkadda Hormuud kala hadlay dhibaata baaxada leh ee ka soo gaaray qaraxyadan loo joogteeyay, iyadoo xusid mudan in gaariga shidaalka ee Shirkadda ay qaraxa ku dhajiyeen laba watay mooto Feykon xilli uu taagnaa bar koontarool oo si buuxda amnigeeda ay gacanta uga hayaan Ciidanka ammaanka.

Al Shabab oo inta badan sheegata mas’uuliyadda weerarada nuucan oo kale ayaanu wax hadal ah ka soo saarin weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyayba, iyadoo Shacabka ay inta badan is weydiinayaan cidda ka dambeysay beegsiga Shirkadda Hormuud iyo doorka Hay’addaha amniga oo aanan muuqan.

Exit mobile version