Saturday, September 13

Waxaa xoogeysanaya walaaca ay bulshada naafada ah ee ku nool Boosaaso ka qabaan doorashoyinka la filayo in ay 25-ka bishan ka dhacaan Puntland.

Dallada Naafada Puntland ee gobolka Bari gaar ahaan degmada Boosaaso, ayaa ku warameysa in aysan ka mid noqon xubnaha urur siyaasadeedyada ay u xusheen in ku matalaan golayaasha degaanka, taas oo walaac ah.

Dadka naafada ah ee la diiwaan-geliyay ayaa gaaraya 3 kun oo qof, oo isugu jira kuwa naafo ka ah dhegaha, indhaha, iyo kuwa kale oo dhul-yaal ah.

Dadkan qaarkood caqabadaha heysta ee naafanimo ayaa u diidaya in ay tagaan goobaha codbixinta, waana caqabad kale oo diideysa in ay matalaad ku yeeshaan doorashada gollaha deegaanka ee Puntland ka dhaceysa 25-ka May.

Soomaaliya dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ma helaan xuquuqdii ay ka mudnayeen bulshada inteeda kale, lamana haayo door siyaasadeed ama matalaad ay dalka ku leeyihiin.

Exit mobile version