Monday, September 15

Waxaa Axadii aynu ka soo gudubnay magaalada Baladweyne lagu afduubtay Cabdirisaaq Mire Dhoore oo muddo dheer ka tirsanaa bahda Saxaafada, waxaana loo heystaa arrimo la xiriira colaad beeleed ka aloosan qeybo ka mid ah gobollada dhexe, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn.

Maleeshiyada heysata weriyaha oo iminka ka tirsanaa Xafiiska UN-ka, ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa in ay u afduubteen arrimo ku qotoma sarkaal u xiran dowladda Soomaaliya.

Ururada Saxaafada iyo guud ahaan warfidiyeenada Soomaaliyeed ayaa xarigiisa ka dhiidhiyey, waxeyna cod dheer ku dalbadeen in xoriyadiisa loo soo celiyo.

Maamulka Hirshabelle iyo kan Hiiraan State ee uu hoggaamiyo Cali Jeyte, ayaanan weli ka hadlin afduubka loo geystay weriyaha, waxaana wal wal badan wajahaya qoyskiisa.

Falkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka argagax leh ee ka soo cusboonaaday gudaha dalka, waxaana maleeshiyada afduubatay hore ugu afduubnaa nin la sheegay inuu ka soo jeedo magaalada Baydhabo.

Exit mobile version