Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, oo ka qeyb galayey kulan looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday warbaahinta dowladda.
Cabdiraxmaan ayaa xusay in warbaahinta dowladda ay qeyb ka qaadato wararka been abuurka ah ee bulshada loo tabiyo, isagoo kula taliyey in ay arrintaasi ka waantoobaan.
SIyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay, in warbaahinta dowladdu aanay ka run sheegin xaqiiqooyinka la xiriira howl-gallada ay dowladdu fuliso, isagoo xusay in ka hadalka sheekooyinkaasi lagu daro warar dheeri ah oo aan xaqiiqda ku saleysneyn.
Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa dowladda iyo ganacsatada ugu baaqay in ay dar dar galiyaan sameynta warbaahin maxali ah, taas oo si dhex dhexaad ah ugu waranta bulshada
Bulshada Soomaalida, ayaa 10-kii sano ee ugu danbeysay si joogto ah u isticmaalayey baraha bulshada, halkaas oo ay buux dhaafiyeen dad badan oo bulshada u tabinaya warar been abuur ah, oo marin habaabinaya shacabka Soomaaliyeed.