Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa kulan soo dhowayn ah kula qaatay Danjira Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Mudane Ridwaan Xersi Maxamed.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Danjiraha la wadaagay kalmad dardaaran ah oo ku saabsan waajib gudashada howlaha Qaranka iyo in la dardargeliyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan dhinacyada isku xirka Baarlamaannada labadal.
Dhinaca kale Safiirka ayaa maanta kulan la qaatay guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Ciraaq, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shaqada loo igmaday iyo sidii loo amba qaadi lahaa iskaashiga iyo xoojinta wadashaqaynta labada Baarlamaan oo hadda samaystay guddiyo saaxiibtinimo oo ka shaqaynaya horumarka iyo isku xirka labada dal.