(Hortabin Media) – Waqtigan waxaa aad u adkaatay xaaladda nololeed ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, sababo la xiriira fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle.
Dhamaan xaafadaha degmada Jalalaqsi ayey biyuhu buux dhaafiyeen, waxaana go’doon ku jira inta badan bulshadii halkaasi ku nooleyd.
Dadka Guryahooda ka barakacay ayaa iyaguna walaac ka muujinaya in fatahaadu soo gaarto, maaddaama webiga uu si xooggan u fatahay.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in fatahaadan ay tahay tii ugu saameynta badneyd muddo hadda laga joogo Hal qarni.
Gudoomiyaha ayaa dowladda Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in gargaar lala soo gaaro, dadka Jalalaqsi xaaladda adag ku wajahaya.