Monday, September 15

(Hortabin Media) – Walaac aad u ballaaran ayey waqtigan muujinayaan ehelada Cabdiraxman Axmed Cumar oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaas oo dhawaan lagu dilay degmada Dayniile ee gudaha Caasimada.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada xasilinta caasimada ee Boliisiyo Milataro, ayey eheladiisu dilkiisa ku eedeeyeen labbo askari oo ay ciidamada isagala tirsanaayeen.

Dilka oo dhacay 8-dii bishan September ayaa ka dhacay Xaafada Bangala ee degmada Dayniile, waxaana dilka kadib goobta yimid boliiska Dayniile, kuwaas oo sameeyey baaritaan ilaa iyo iminka aanay wax natiijo ah ka soo bixin.

Ehelada Marxuumka ayaa sheegaya in dilkiisa aan weli si rasmi ah loo baarin, waxeyna tilmaameen in ay xagal daacinayaan qaar ka mid ah dadkii meesha joogay, kuwaas oo ehel la ah askarta dilka geysatay.

Ehelada Marxuumka, ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay arrintan soo fara geliso, isla markaana ay ka shaqeyso sidii uu caddaalad u heli lahaa askarigaasi Soomaaliyeed, ee lagu dilay sifada sharci darrada ah.

Gudaha Soomaaliya, inta badan wey adag tahay in muwaadiniinta nooc kasta oo ay yihiin ay helaan caddaalad, sababo la xiriira musuqa lagu eedeynayo hay’adaha garsoorka dalka. 

Exit mobile version