Friday, September 12

Dadka ka soo barakacay abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ee tuban duleedka Muqdisho, ayaa walaac badan ka muujinaya xaaladda noloshooda.

Duleedka Caasimadda dalka, waxey hoy u noqotay sanadihii ugu danbeeyey qoysas barakacayaal ah oo ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya.

Barakacayaashan oo aan isku xilli imaanin duleedka Muqdisho, ayaa ah kuwo ka soo cararay abaaraha ba’an ee ka jira gudaha dalka, waxeyna caasimadda usoo beegsadeen si ay u helaan nolol dhaanta tii ay deggaanadooda uga soo hayaameen.

Marka aad la sheekeysato, waxa ay kuu sheegayaan in aanay heysanin, waxyaabihii aas aasiga u ahaa nolosha aaddanaha, isla markaana lagu hilmaamay aqalada cooshadaha ka sameysan ee ay ku jiraan.

Dowlada Soomaaliya ayey ku eeddeynayaan in ay gabtay masuuliyadii ka saarnayd ka warqabka bulshadeeda, waxeyna waqtigan yihiin kuwa quus ka jooga nolosha, balse dhabar adeegaya.

Hay’adaha sama falka, ayaa iyaguna goostay gargaarkii ay dadkaasi gaarsiin jireen, taas oo sii adkeyneysa xaaladaha ay wehelka u yihiin.

Waqtigan waxey barakacayaasha ku sugan duleedka Muqdisho, fariin u dirayaan ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, iyagoo dalbanaya in gurmad lala soo gaaro, maaddaama ay qarka u saaran yihiin in ay cunno la’aan iyo daryeel xumo u geeriyoodaan.

Exit mobile version