Friday, September 12

Walaac xooggan oo dhanka nolosha ah ayey muujinayaan, Soomaalida bilihii ugu danbeeyey Qaxooti ahaanta ku tayay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dadkan ayaa sheegaya in aanay ku filneyn raashinka ay siiyaan hay’adaha gargaarka, oo ah mid kooban.

Qaxootigan dhawaan galka ah ayaa codsanaya in la siiyo, lacagaha gunnada ah ee loo yaqaano Bamba Chukula, oo ay bixiyaan hay’adaha sama falka.

Lacagtan loo yaqaan Bamba Chukula, ayaa qofka qaxootiga ah usuura galineysa, inuu suuqa ka soo iibsado, cunnada ama cabitaanka uu rabo.

Xeryaha qaxootiga dalka Kenya waxaa ku jira Soomaali badan, oo dalkooda uga cararay sababo amni, waxaana qaarkood ay wajahayaan daruufo culus.

Exit mobile version