Monday, September 15

(Hortabin Media) – Walaac xooggan ayey waqtigan muujinayaan ehelada Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh, kaas oo ku eedeysan inuu Al Shabaab dibadda uga soo iibiyo saanada ciidamada.

Ninkan oo ah ganacsade ayaa lagu eedeeyey inuu Shiinaha ka soo iibiyey, saanad ciidan, taas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dahabo Xaaji Ciise oo ka mid ah ehelada eedeysanaha ayaa sheegtay in wiilkooda ay shirqooleen ganacsato kale, kuwaas oo ka dalbaday agabka  ciidan ee laga soo dejiyey dekadda iyo Garoonka Muqdisho.

Waxey si cad u sheegtay in wiilkooda aanu wax xiriir ah la lahayn Al Shabaab, iyadoo codsatay in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Soo qabashada ninkan ayaa waxaa iska kaashaday dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, isagoo iminka u xiran dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version