Walaac ay muujinayaan ganacsatads suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa isi soo taraya, iyadoo weli ay xiran yihiin qaar ka mid ah xarumaha ganacsi ee ku yaalla suuqaasi.
Ganacsatada ayuu walaacoodu salka ku hayaa go’aankii dowladda ee xirashada Kaamirooyinka qarsoon, halka caddaadis kaa ka duwana uu uga imaanayo Al Shabaab oo ka soo horjeeda go’aanka dowladda.
Arrintan ayaa sababtay in Al Shabaab ay qarxiyaan dhowr xarumo ganacsi oo u hoggaansamay awaamiirta dowladda, iyagoo kuwo kalana usoo diray fariimo handadaad ah.
Weerarada ayaa kordhiyey cabsidii ganacsatada, waxaana qaarkood ay ka caga jiideen in ay xirtaan kaamirooyinkaasi, waxaana albaabada la isugu dhuftay xarumihii ganacsi ee diiday xirashada kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ee loo yaqaan CCTV.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa go’aankeeda, kaas oo sida ay xustay qeyb ka qaadanaya sugida amniga magaalada Muqdisho.