Xidigga K/C Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu mar kale ka cayaaro horyaalka qaaradda Yurub , isagoo intaas ku daray in horyaalka Sacuudi Carabiya uu ka wanaagsan yahay kuwa Yurub.
Ronaldo, oo ku biiray Al Nassr bishii Diseembar heshiis 2 sano ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United, ayaa sheegay inuu wadada u furay ciyaartoy kale oo heer sare ah inay la saxiixdaan kooxaha Sacuudiga iyo in qaar badan ay u dhaqaaqi doonaan Boqortooyada Saxaraha.
“Waxaan hubaa 100% inaanan ku laaban doonin koox kasta oo Yurub ah. Waxaan ahay 38 jir, “ESPN ayaa ka soo xigatay isaga.
“Kubadda cagta Yurub waxay lumisay tayo badan. Midka kaliya ee ansax ah oo wali wax wanaagsan sameynaya waa (Ingiriisi) Premier League. Way ka sarreeyaan dhammaan horyaallada kale. “