Sunday, September 14

Shacabaka  ku nool  magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa billaabay in ay si is-xilqaan ah ku dayactiraan goobaha ay sida weyn u waxyeeleysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay magaalooyinkaas.

Goobaha ugu daran ee fatahaadii waxyeeleysay ayaa waxaa ka mid Buundooyinka ku yaalla sadaxdaan magaalo iyo wadooyinka waa weyn ee muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Goobaha dayactirka helay ayaa waxaa ka mid ah Buundooyinka Nuur Xawaad iyo Buundaweyn oo ku yaalla Baledweyne iyo Buunadada degmada Buulaburte, iyadoo buunadada degmada Jalalaqsi aysan wali helin dayactir taasoo laga cabsi qabo iney go’do.

Buundada loo yaqaano Buundaweyn oo ah Buundo istaraatiiji u ah isku socodka xaafadaha Baledweyne ayaa dhalinyaro is-xilqaamtay ku sameeyeen dayactir sababay in Buunadada muddo 24 saacadood ah aysan  isticmaalin wax gaadiid ah.

Ururka Dhalinyarada iyo horumarinta Baledweyne ee Isxilqaam ayaa lahaa abaabulka in dayactir lagu sameeyo Buundada loo yaqaano Buundaweyn oo biyahii fatahaadu saameyeen dhismaheeda.

Buundadad degmada Buulaburte ayaa ka mid ah meelaha fatahaadii waxyeelaysay waxaana dayactir ku sameeyay Buundadaas dhallinyaro deegaanka ah oo is xilqaantay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan buundadaasi lala eegtay qarax saameyn culus ku yeeshay.

Exit mobile version