Friday, September 12

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Midawga yurub ayaa gacanta ku dhigtay rag burcad badeed ah, kuwaas oo doonayey in ay markab ka afduubtaan Gacanka Cadmeed.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegay Crystayl Artic ayaa ah mid shidaal, waxaana marka Burcad badeedu ay isku dayga sameynayeen uu ku sugnaa Gacanka Cadmeed.

Burcad Badeeda ayaa isku deyday in ay markabka qaab qasab ah ku qabsadaan, balse waxey is rasaaseyn dhex martay ilaaladii markabka, taas oo keentay in ay gubato doontii ay saarnaayeen.

Saraakiisha Midawga Yurub ayaa xaqiijiyey in raggan ay ku hubeysnaayeen hub kala duwan, waxaana jira sida la sheegay dhaawacyo soo gaaray Burcad badeeda, inkastoo aan la ogayn inta ay la egtahay waxyeeladu.

Ragga la qabtay ayaa ah 6 nin, waxaana ay wateen Jaran jarooyin, ka caawineysa in ay markabka fuulaan, waxaana xusid mudan in markabkan uu ku gooshayey Calanka Jaziirada Marshal.

Si kastaba halista burcad badeeda Soomaalida ayaa soo if baxday sanadkii 2011-kii markaas oo ay qaadeen weeraro gaaraya 230, iyadoo dunida ay uga baxday dhaqaalle dhan 7 milyan oo 160 milyan oo dollar oo ka mid ah madax furasho ahaan loo bixiyey.

Exit mobile version