Saturday, September 13

Halistii burcad badeeda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey xoogeystay, waxaana ay qaadeen weeraro kala duwan, oo ay ku qafaasheen maraakiib shisheeye

Todobaadkan Markab laga leeyahay dalka Bangaladesh ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxo burcad badeed Soomaali ah, xilli uu ku socdaalayay badweynta Hindiya ee ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Markabkan ay qafaasheen oo lagu magacaabo “MV Abdullah” ayaa ku wajahnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) isagoo ka yimid dalka Mozambique ee Afrika ku yaalla.

Markabka waxaa iska leh shirkadda KSRM, taasoo ogaatay in markabka ay qabteen kooxo burcad badeed ah.

Markabkan Waxaa saarnaa 23 badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh. Dhammaantood waa la qafaashay, sida ay sheegeen milkiilayaasha markabka.

Sida ay sheegayaan warbixinadii ugu danbeysay haatan, xeebaha Puntland waxaa weli lagu haystaa Markab ganacsi oo kooxaha afduubtay ay doonayaan inay ka qaataan madax furasho.

Exit mobile version