Sunday, September 14

Ururada Bulshada rayidka ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay kaalmo wax ku ool ah la garaan dadka barakacayaasha ah ee ku tabaaleysan duleedka Muqdisho.

Bulshada rayidka ayaa sheegtay in dadkaasi ay wajahayaan xaalado kala duwan oo nololeed, waana kuwo aanan helin jawaab bani’aadminimo oo rasmi ah.

Sida ay Bulshada rayidka ka dhawaajiyeen, qoysaskan ayey marba marka ka danbeyso tiradoodu sii kordheysaa, waxaana ay maamulka gobolka Banaadir ka dalbadeen inuu sameeyo tiro koob, lagu ogaanayo caddadooda.

Bulshada Rayidka ayaa xustay in qoysaskan barakacayaasha ah ay ku booqdeen xeryahooda, waxeyna ku soo arkeen qoysas aan wax dab ah shidan, taas oo soo de-dejisay baaqooda.

Doc kasta oo laga milicsado, waxaa waayo qalafsan gudaha Caasimada ku qaadanaya dad badan oo ku barakacay gudaha dalka, kuwaas oo aanan heysan waxyaabaha bud-dhiga u ah nolosha aaddana, lamana ogga sida ay dowladdu uga jawaabi doonto baaqa Bulshada rayidka.

Exit mobile version