Friday, September 12

Ciidamada  Komaandooska Hindiya ayaa Xoog uga soo Furtay  Burcad-baddeedii afduubka u haystay Markabka Xamuulka ee MV Ruen waxana  Dowladda Bulgaria ay soo dhaweysay Hawlgalkaasi ka dhacay Xeebaha dalka Soomaaliya.

Mariya Gabriel oo ah Ra’isul-wasaaraha xilka ka sii degayso iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Bulgaria ayaa sheegtay in ay bed-qabaan guud ahaan Badmaaxiintii la socotay Markabkaasi.

Saxafiyiinta ayey kula hadleen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee caasimadda dalkaasi ee Sofia, waxana ay sheegtay ay caafimaad qabaan  Badmaaxiinta, laguna hayo Markab Dagaal oo ay Hindiya leedahay.

Waxay kaloo xustay in 7 ka mid ah Badmaaxiinta la soo badbaadiyey ay yihiin Bulgarian, lana filayo in dib ugu soo laabtaan dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Markabka Xamuulka MV Ruen waxaa la socday 18 badmaaxiin oo 10 ka mid ah ay u kala dhasheen dalal kala duwan, waxaana burcad badeeda weerarkan fulisay ay tiradoodu gaareysay 35 rag ah.

Markabkan ayaa  la qafaashay bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii, xilli uu marayey Badda Carbeed, waana arrin muujineysa in ay soo laabatay halistii burcad badeeda Soomaalida.

Exit mobile version