Friday, September 12

Nabaad guur aad u ballaaran ayaa waqtigan ku dhacay afka Soomaaliga, waxaana adeegsigiisa badalay luuqado shisheeyo oo ay bulshadu aad u isticmaasho.

Marka aad joogto gudaha Muqdisho, goobaha lagu iibiyo waxyaabaha muhiimka u ah bulshada waxaa dul suran boorar ay ku qoran yihiin afaf qalaad, waana arrin fajac ku abuurtay dadka shacabka ah intooda wax baratay.

Dukaamada, Carwooyinka, meelaha lagu iibiyo macuunta, goobaha ilkaha lagu daweeyo, kuwa qalabka dhismaha lagu gado, dhamaan waxaa kor suran boorar ay ku xardhan yihiin afafka Ingiriiska iyo carabiga.

Arrintan ayaa sidoo kale saameysay xarumaha waxbarashada dalka, oo badankood qaatay magacyo carbeed iyo kuwa dowladaha reer galbeedka, taaa oo caqabad ku ah Afka Soomaaliga.

Afka Hooyo ee Soomaaliga ayaa bur burkii dalka ka dhaxlay nabaad guur ku yimid, taas oo keentay inuu yaraado isticmaalkiisa, waana arrin khatar ku noqon karta jiritaanka mustaqbalka Afkeenna.

Si kastaba caqabadan Afka Hooyo la soo gudboonaatay, ayaa u baahan in si gaar ah loogu kuurgalo, lagana shaqeeyo dib usoo nooleyntiisa, iyadoo la qabanayo madallo kala duwan oo bulshada loogu sheegayo qiimaha Afka Soomaaliga.

Exit mobile version