Booliska Tanzania ayaa xiray xubnaha ugu sarreeya mucaaradka, sida uu sheegay xisbigoodu, iyadoo mas’uuliyiinta ay u dhaqaaqeen inay joojiyaan mudaaharaad ballaaran oo ka dhici lahaa caasimadda ganacsiga ee Dar es Salaam.
Inkasta oo ay jirto mamnuucista, haddana xisbiga mucaaradka ah ee Chadema ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono isu soo baxan oo ka dhan ah afduub iyo dil lagu eedeeyay ciidamada ammaanka.
Chadema ayaa sheegay in guddoomiyahooda Freeman Mbowe iyo ku-xigeenkiisa Tundu Lissu labaduba la xiray Isniinta, halka booliiska rabshadaha ka hortaga la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada si ay uga hortagaan isu imaatinka.
“Mudaaharaadku waa xuquuqdeenna dastuuriga ah, waxaana la yaabnay baaxadda awoodda ay booliisku u adeegsanayaan inay dadka u hanjabaan, ayna ku caburiyaan xorriyaddeenna,” Mbowe ayaa sidaas u sheegay taageerayaashiisa ka hor intii aanay booliisku kaxaysan, sida ka muuqata muuqaal ay xisbigu internet-ka ku faafiyeen.
Xizbiga Chadema ayaa ku eedeeyey madaxweyne Samia Suluhu Hassan in ay dalka ku soo celisay xeeladihii caburinta ee madaxweynihii ka horreeyay, John Magufuli.
Samia ayaa xilka la wareegtay ka dib dhimashadii lama filaanka ahayd ee Magufuli ee bishii Maarso 2021, waxayna u muuqatay mid muujineysa inay ogoshahay xoriyadda, iyadoo beddelaysa xannibaadaha la saaray isu soo baxyada mucaaradka iyo warbaahinta.