Booliska Koonfurta Sudan ayaa Booliska Soomaaliya ku soo wareejiyey askari dil ka geystay Muqdisho, kaas oo u baxsaday Koonfurta Sudan
Askariga eeddeysanaha ah ayaa lagu magacaaba Sakariye Cali Axmed Cosobow, wuxuuna bishii Luuliyo ee sanadkii aynu ka soo gudubnay, uu dilay Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Dowladda.
Dilkan ayaa ka dhacay Degmada Deyniile, waxaana eeddeysanaha uu dilka ka dib, ka baxsaday dalka, isagoo bilhii ugu danbeeyey ku dhuumaaleysanayey dalka Koonfurta Sudan, oo maanta laga soo qabtay.
Soo qabashada askarigan, ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Caalamiga ee Interpol iyo midka Koonfurta Sudan, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay heleen xogta ah inuu ku sugan yahay, Koonfurta Sudan, waxaana xogtaasi ay la wadaageen Booliska Interpol, oo isgana xiriir la sameeyey kan Koonfurta Sudan.
Sadiiq Aaden Doodishe, Afhayeenka Ciidamada Booliska, ayaa u xusay in askarigan la horgeyn doono caddaalada, wuxuuna intaasi ku daray in aan laha hari doonin qof walba oo dalka dembi ka gala, isla markaana baxsada.