Monday, September 15

Shir jaraa’id oo uu goordhaw magaalada Muqdisho ku qabtay Af-hayeenka ciidanada booliska Sadiiq Aaden Doodishe ayuu uga warbixiyey fal danbiyeedyadii ugu danbeeyey ee ka dhaca meelo ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo gudaha caasimada Muqdisho.

Af-hayeenka ayaa ugu horeyntii ka hadlay gaadiid raashin u waday al shabaab oo lagu qabtay magaalada godinlabe ee gobolka galgaduud, isagoo sidoo kalana ka warbixiyey in ciidamo boolis ah ay ku baxeen dagaal beeleed maalmihii ugu danbeeyey ka soconayey deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Booliska Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in ay baaritaan ku wadaan dil 20-kii bishan diinsoor loo geystay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi, waxaana sidoo kale uu soo hadal qaaday in baaritaan lagu wado fal dil iyo kufsi isugu jira oo wiil yar oo 11-jir ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Ugu danbeyntii Af-hayeenka booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax 21-kii bishan ka dhacay bar koontorool oo ku taalla deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Exit mobile version