Sunday, September 14

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen askar tiradoodu gaareyso ilaa 9 qof, kuwaas oo sameeyey fal ay ka digeen booliska.

Askartan ayaa rasaas ku dabaaldegay habeenkii 26-kii June, xilli maalin ka hor ay Boolisku ka digeen in dabaaldega maalmaha xoriyada loo adeegsado rasaas.

Booliska ayaa sheegay in askartan uu iminka ku socdo baaritaan, waxeyna tilmaameen in sharciga la horgeyn doono.

Booliska ayaa digniin u diray askarta kale, waxaana looga digay adeegsiga rasaasta, maaddaama waqtigan lagu guda jiro toddobaadka xoriyada.

Inta badan maalmaha xoriyada askarta ayaa ku dabaal-degta rasaas, waxaana rasaastaasi ka dhasha khasaare kala duwan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version