Booliska Soomaaliya oo Warsaxaafadeed soo saaray, ayaa si cad u diiday in dibadbax lagu qabto magaalada Muqdisho, isagoo u sababeeyey arrimo amni.
Boolisku wuxuu sheegay in dibadbaxyada ay khatar amni ku yihiin caasimada, wuxuuna shacabka uga digay in ay qabtaan dibadbax aanay la socon dowladda.
Boolisku wuxuu sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono cidii lagu helo abaabulka bannaabaxyo, kuwaas oo sida uu sheegay qal qal lagu galinayo amniga Muqdisho.
Booliska Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed-kiisa shacabka ku dhaqan Muqdisho u diray fariin ah, in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago kuwa lidiga ku ah amniga.
Amarka ka soo baxay booliska ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kuwaas oo looga soo horjeeday xariga Jeneral Sheegow, oo ay dowladda ku eeddeysay inuu halis ku ahaa amniga degmada Dharkeenleey.