Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa gacanta ku soo dhigay 4 nin oo ka mid ah, rag qoys Soomaaliyeed kula kacay fal la xiriira heyb sooc.
Raggan ayaa saq dhexe weerar ku qaaday qoyskan, oo ka soo jeeda beelaha la heyb sooco, waxeyna u geysteen jirdil iyo handadaad.
Booliska oo soo bandhigay raggan Afarta ah, ayaa sheegay in ay ku daba jiraan midkii shanaad ee dhacdadan qeybta ka ahaa, kaas oo iminku ku dhuumaaleysanaya gudaha Boosaaso.
Dhacdadan ayaa gil gilshay Baraha Bulshada, waxaana raggana ay baahiyeen muuqaalo la xiriira xiligii ay tacadiga u geysanayaan qoyskani Soomaaliyeed.
Falkan ayaa la xiriiran arrimo ku saabsan haween isku aflagaadeeyey mareegta TIK-Tok, taas oo sanadihii ugu danbeeyey dhibaato badan ku heysay bulshada Soomaalida, kuwaas oo badankood qaab qaldan u isticmaala.
Gudaha dalka waxaa joogta ka noqday falalka la xiriira heyb sooca loo geysanyo qeyb ka mid ah bulshada Soomaalida, welina lama helin cid garab istaag rasmi ah u muujisa dadkaasi la faquuqayo