Booliiska Tuniisiya ee la dagaalanka Argagaxisada ayaa xabsiga dhigay hal maalin Cali Larayedh oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore isla markaana ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Ennahda, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay tuhun la xiriira in dagaalyahano loo diray dalka Suuriya, sida ay maanta sheegeen qareenadiisa.
Cali Larayedh ayaa la filayaa in uu ka soo hormuuqdo garsoorka dalkaasi maalinta beri ah ee Arbacada.
Xisbiga Ennahda ayaa beeniyay eedeymaha loosoo jeediyay ee la xiriira argagixisada, wuxuuna xisbiga ku tilmaantay weerar siyaasadeed oo ka dhan ah siyaasadooda kasoo horjeeda madaxweynaha dalkaasi Qays Saciid.
Hogaamiyaha mucaaradka Islaamiga ah ee Tuniisiya ahna afhayeenka baarlamaanka la kala diray Rached Ghannouchi, ayaa madaxweyne Qays Saciid ku eedeeyay afgambi ka dhan ah dimuqraadiyada iyo xiritaanka baarlamaanka kadib markii madaxweyne Qays uu la wareegay awoodaha inta badan xagaagii hore.
Axmed Dhaqane, Nairobi