Somaliland waxaa waqtigan ka dilaacay kacdoon aad u ballaaran oo ay bulshadu ku cabirayaan dareenkooda, iyagoo diidan, maamulka Muuse Biixi, oo ay u arkeen mid dhibaato badan u geystay bulshada Somaliland.
Kacdoonkan iyo caddaadis uu Muuse Biixi la kulmayo ayaa ku soo beegmaya, xilli ay soo dhawdahay doorashada maamulka Somaliland, waana caqabad hor leh oo ninkan u diideysa inuu soo laabto.
Muuse waxaa waqtigan si aad ah ugu kacay bahda fanka Somaliland, waxeyna qaadeen suugaan lagu dhaliilayo xukunkiisa, waxeyna bulshada Somaliland ku tilmaantay nin kala qeybiyey shacabka maamulkaasi.
Biixi oo arrintan ay caro badan ku dhalisay ayaa ka jawaabay suugaanta bulshada dhagahooda ku soo dhaceysa ee lagu dhaliilayo xukunkiisa, wuxuuna bahda fanka ee heesahaasi u bareertay ku tilmaamay kuwo ku xadgudbaya jiritaanka Somaliland, isagoo bulshadana uga digay in ay u dhaga nuglaadaan fariimahaasi.
Biixi ayaa culeys ba’an saaray dadka Somaliland 5-sano ee uu xukunka hayey, waxaana kuwo cabira aragtidooda uu u taxaabayey jeelka, taas oo maanta qasabtay in bulshadu aanay ku qancin hoggaamintiisa, waxaana sidoo kale waxyaabaha lagu eedeynayo ka mid ah dagaalkii Laascaanood, kaas oo keenay in Gobolka Sool uu sameysto maamul la magac baxay Khaatumo oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya aqoonsatay.