Joe Biden Madaxweynaha Maraykanka ayaa jeediyey khudbaddiisa sannadlaha ahayd ee madaxweynayaasha Maraykanku ay u jeediyaan Labada Aqal ee Koongareeska ee Sanatka iyo Aqalka Hoose ee wakiillada, wuxuuna kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Biden ayaa khudbadiisa diirada ku saaray siyaasadda arrimaha dibedda iyo gudaha ee dalka Mareykanka, waxaana khudbadani ay noqoneysaa midii seddexaad ee uu jeediyey tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Biden ayaa ka soo horjeestay in la baab’iyo barnaamijkii caafimaadka ee Obama Care, wuxuuna dhanka kale xusay in uu maalgelinayo tacliinta, isla markaana uu kordhinayo mushaaraadka macallimiinta.
Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa cod dheer ku sheegay in Mareykanku uu wado qorshe ay milaatriga dalkaasi Gaza uga dhisayaan deked ku meelgaar ah, taas oo muhiim u ah in sahay gargaar la gaarsiiyo Gaza.
Dekadan ayuu sheegay Joe Biden in ay sara u qaadi doonto gargaarka gaaraya Gaza, wuxuuna baaq u diray Israel, oo uu sheegay in looga fadhiyo in ay doorkeeda ka qaadato hirgalinta arrintan.