Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee xulka qaranka Fransiiska Karim Benzema ayaa UEFA u magacaawday aqoonsatay sanadka 2022 ka dib xilli ciyaareedkiisii wacnaa ee 2021/22 oo uu la qaatay kooxda heysata horyaalka Spain.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska oo ay wehliyaan saaxiibadiisa, ayaa ku guuleystay horyaalka Champions League-ga ee xilli ciyaareedkii hore, iyagoo ku guuleystay koobkii 14-aad ee EUFA Champions League.
Benzema ayaa sidoo kale la filayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon D’Or 2022 marka ay xafladdu dhacdo bisha Oktoobar.
Sanadkii barakeysnaa ee Benzema
Wuxuu ahaa sanadkii ugu fiicnaa ee 34 jirkan isagoo dhaliyay 15 gool oo cajiib ah, waxaana uu sameeyay caawino badan 12 kulan oo uu u ciyaaray Madrid intii lagu jiray 2021/22 ee horyaalka Champions League, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican ee tartanka.