Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxaa ku socda weeraro u muuqda bartilmaameed, kuwaasi oo lagu beegsado shaqaalaha iyo hantida Shirkadda.
Weeraradan oo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa Shirkadda ku weysay nolosha qaar ka mid ah shaqaaleeda iyo hanti oo aan weli tiro koob lagu sameyn.
Maanta gaari nuuciisu yahay kuwa shidaalka qaaday oo ay leedahay Shirkadda Hormuud ayaa maanta lagu qarxiyay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, waana weerarkii 12-aad oo waxyeello u geysta Shirkadda muddo 40 cisho ah gudahood.
Ma jirto hay’addo amni oo Shirkadda Hormuud kala hadlay dhibaata baaxada leh ee ka soo gaaray qaraxyadan loo joogteeyay, iyadoo xusid mudan in gaariga shidaalka ee Shirkadda ay qaraxa ku dhajiyeen laba watay mooto Feykon xilli uu taagnaa bar koontarool oo si buuxda amnigeeda ay gacanta uga hayaan Ciidanka ammaanka.
Ciidanka ayaa sida la sheegay halkii ay ugu gurman la haayeen gaariga la qarxiyay, waxay ku amreen shaqaalihii ka badbaaday qaraxa in ay ka fogeeyaan gaariga gubanayay aagga koontaroolka.
Al Shabab oo inta badan sheegata mas’uuliyadda weerarada nuucan oo kale ayaanu wax hadal ah ka soo saarin weerarkii maanta iyo kuwii ka horeeyayba, iyadoo Shacabka ay inta badan is weydiinayaan cidda ka dambeysay beegsiga Shirkadda Hormuud iyo doorka Hay’addaha amniga oo aanan muuqan.