Friday, September 12

Maxkamada Gobolka Bay, ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisay rag dil u geystay dad rayid ah.

Ragga xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabayey Aadam Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo maxkamadeyntoodu soo jiitameysay in muddo ah.

Aadam Cabdi ayaa hore dil ugu geystay, Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar halka Maxamed Geedow Nuurow ui isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Xukunka dilka ah ee raggan lagu fuliyey ayaa saakay ka dhacay fagaaraha toogashada Baydhabo, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo ehelada marxuumiintii ay dileen.

Gudaha dalka, waxaa kordhaya xukunnada lagu fulinayo, dadka ku eeddeysan in ay dileen muwaadiniin kale, taas oo ay dadka qaar u arkaan, arrin wax ka tareysa soo nooleynta garsoorka dalka.

Exit mobile version