Tuesday, September 16

Kulanka ay maanta xubnaha golaha shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qodobo kala duwan, waxaana ugu horeyn fadhiga lagu soo qaaday shaqaaqadii 24-kii Janaayo ka dhacday golaha Barlamanka, kaas oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsan mudanyaasha Barlamanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur Aaden Madoobe oo kulanka maanta shir gudoomiyanayey ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay shaqaaqadii golaha ka dhex dhacday dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay xilaagaasoo barlamanku uu horyaalla ajande ku soo saabsan ansixinta habraaca wax ka baddelka dastuurka.

Dhinaca kale Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ku hadlayey magaca xildhibaanadii qeybta ka ahaa muranka iyo shaqaaqadii ka dhacday Barlamanka ayaa golaha ka hor sheegay in ay raalli galin ka bixinayaan falkii ay sameeyeen, isla markaana aanay dib danbe u soo laaban doonin dhacdo noocaas oo kala ah.

Exit mobile version