Sunday, September 14

Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2023-da.

Ka hor ansixinta miisaaniyada ayaa waxaa fadhiga wadajirka ah ee labada gole ka hor hadlay gudoonada gudiyada maaliyada ee labada aqal, kuwaas oo ka warbixiyey maraaxiladii ay soo martay dib ugu noqoshada miisaaniyada sanadka 2023-da iyo wax ka badeladii lagu sameeyey, iyagoo mudanayaasha goobta ku sugnaana ka codsaday in miisaaniyada ay meel mariyaan.

Intaa ka dib Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Sheekh Aaden Maxemed Nuur oo kulanka shir gudoominayey ayaa soo jeediyey in cod loo qaado miisaniyada, waxaana ansixiyey 169 xidhibaan, labo kalana wey ka aamustay.

Miisaaniyada maanta la ansixiyey oo gaareysa (917-Milyan-267-kun-240-dollar) ayaa waxaa mudanayaasha labada aqal qaabka ay u meel mariyaan uga mahadceliyey Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

Fadhiga labada aqal ee Barlamanka ayaa waxaa gabagabdii soo xiray gudoomiyaha golaha shacabka, kaas oo codsaday in wixii iminka ka danbeeyey arrimaha la xiriir miisaaniyada iyo xisaab xirkaga waqtigii loo qorsheeyey lagu keeno.

Xildhibaanada Barlamanka ayaa maalmihii ugu danbeeyey si weyn uga doodayey ku noqoshada miisaaniyada 2023 iyo qaabka hay’ada dowlada loogu qeybiyey, waxaanay sido kale xildhibaanadu ay doda keeneen in sanadihii ugu danbeeyey aan wax xisaab xir ah oo ku aaddan misaaniyadiihii hore loo ansixiyey aan la horkeenin barlamanka.

Exit mobile version