Sunday, September 14

Roobabka xagaaga ee ka da’aya gudaha Muqdisho ayaa dhibaato badan ku haya dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo waqtigan dalbanaya gurmad.

Barakacayaashan oo degan aqalo cooshado ka sameysan ayaa dalbanaya in la siiyo baco ay ka galaan roobabka, si qabowga dhacaya ay gabaad uga helaan.

Qaarkood oo inala wadaagay dareenkooda ayaa inoo sheegay in waagu uu u baryo, iyagoo taagan, sababo la xiriira aqaladooda oo soo deynaya biyaha.

Duleedka Muqdisho, waxaa ku nool barakacayaal fara badan, kuwaas oo wajahaya xaalad nololeed oo aad u daran, taas oo ay u dheertahay hoy la’aan.

Exit mobile version