Monday, September 15

Barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo ayaa xaalad halis ah wajahaya, waxaana saameyn ku yeeshay roobabkii xooganaa ee ka da’ay magaalada Baydhabo.

Roobabkan ayaa hoy la’aan dhigay dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo waqtigan jiifa bannaan cidlo ah, kadib markii ay aqaladoodu ay biyuhu buux dhaafiyeen.

Qoysaskan barakacayaasha ah ayaanan ilaa iyo iminka helin wax gargaar ah, waana kuwo dalbanaya in lala soo gaaro gurmad wax ku ool ah.

Barakacayaashan ayaa hore u wajahayey xaaladdo kala duwan oo nololeed, sida biyo la’aan cunno yarri iyo caafimaad darro.

Exit mobile version