Friday, September 12

Xilli lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayey cabasho xooggan ka soo yeereysa qoysas barakacayaal ah oo ku dayacan xeryo barakac oo ku yaalla duleedka degmada Dayniile.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ku soo gashay, iyagoo la daalaa dhacaya daruufo culus oo uu waayhu baday ayey barakacayaashan ka muujinayaan qeylo dhaan, waana kuwo dalbanaya helitaanka gurmad ay ku moodaan bisha soon qaad.

Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka Barakacayaasha ayaa ka warbixiyey daruufaha adag ee ka jira kaamka ay ku sugan yihiin, isagoo xusay in xerada ay joogaan a soo gaareen Barakacayaal hor leh, kuwaas oo iyagana aanan heysan wax ay ku afuraan.

Barakacayaasha dalbanaya in laga caawiyo raashin ay ku afuraan ayaa waxaa ka mid ah Maariya Cabdiqaadir oo ka soo barakacday magaalada Baydhabo.

Maryan Maxamed waxa ay qeyb ka tahay barakacayaashii ugu danbeeyey ee aqaladooda uga soo hayaamay fatahaadii El-nino ee ku dhufatay Soomaaliya.

Barakacayaasha ku jira kaamka iidle oo u badan haween wata caruur, ayaa la daalaa dhacaya daruufo is biirsaday.

Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa buux dhaafiyey barakacayaal gobolada dalka ka soo hayaamay, kuwaas oo xilliyo kala duwan soo gaaray xeryaha ay ku jiraan, waxaana badankood maalmo qaraar oo u dhigma kuwii barakaca ku xanbaaray ay ku qaabilyaan kaamamka ay soo maciinsadeen.

Exit mobile version