Friday, September 12

Hay’adda Al Nur Foundation oo ah hay’ad samafal ah oo sanad waliba bukaano Soomaaliyeed u fulisa indho fiiqis iyo qaliin lacag la’aan ah ayaa iyada iyo dhaqaatiir ka socota dalka Pakistan waxa ay si wada jir ah magaalada Muqdisho uga wadaan maalintii seddexaad indho fiiqis lacag la’aan ah oo loo sameynayo dad barakacayaal oo horey araga u la’aa.

Dr Cabdirisaq Axmed Dlmar oo ah agaasimaha hay’ada AL Nuur Foudation ayaa ugu horeyn warbaahinta uga waramay cida howshan kala qeyb qaadaneysa iyo tirada dadka ka faa”ideystay oo uu ku sheegay 500 oo ruux.

Dr Dalmar ayaa dhinaca kale ka warbixiyey qaabka ay ku soo xusheen dadkan araga la’ ee ay indho fiiqista u sameynayaan iyo meelaha ay ka kala yimaadeen, isagoo xusay in ay ka soo wadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Dr ABDUl Rashiid oo ka mid dhaqaatiirta ka timid dalka Pakistan ee ka qeyb qaadanaya howshan indho fiiqista ayaa ka warbixiyey sida ay howsha u socoto.

“Waxaan u nimid Magaalada Muqdisho inaan isbitalka dalmar kala qeyb galno qaliin indh fiiqis oo lacag la;aan ah, kaas oo soconaya maalintii seddexaad ilaa iyo iminkana ay ka faa’iideysteen wax ka badan 200 oo qof” ayuu yiri.

Ugu danbeyntii qaar ka mid ah bukaanada horey araga u la’aa ee ka faa’iideysta qaliinka iyo daweynta lacag la’aanta ah, ayaa ka mahadceliyey furdadan.

Gudaha Soomaaliya inta badan dadka dhaqaale ahaan aadka u liita iyo kuwo barakacaayasha ayaanan helin adeeg caafimaad oo lacag la’aant ah,  waxana tallaabadan ay u tahay fursad muhiim ah oo ay fa’iideysan karaan baahiyaha caafimaad ee ay qabaan, waana mid dhiiragalin mudan.

Exit mobile version