Saturday, September 13

Cabasho xooggan ayaa waqtigan ka soo yeereysa qoysas barakacayaal ah kuwaas oo degan meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qoysaskan oo ay tiradoodu ka badan tahay 5 boqol ayaa lagu amray in ay ka guuraan kaam ay degan yihiin, muddo ka badan 15 sano.

Sida ay sheegeen waxaa loo qabtay muddo 7 casho ah, mana heystaan goob kale oo ay degaan sababo la xiriira daruufaha adag ee ay ku sugan yihiin.

Qoysaskan ayaa markoodii hore ka soo barakacay qaar ka mid ah gobolada dalka, sababo la xiriira abaarihii dalka ku dhuftay sanadkii 2011-kii.

Exit mobile version