(Hortabin Media) – Maanta waxaa qeybo ka mid ah magaalooyinka uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ka billawday dibadbaxyo, ay shacabku ku taageerayaan ciidamada maamulkaasi, oo dhawaan laga qabsaday saldhigii Goojacadde ee ay ku lahaayeen duleedka Laascaanood.
Dad aad u tira badan oo isugu soo baxay magaalada Hargeysa, gaar ahaan fagaaraha kheyriyada, ayaa ku dhawaaqayey erayo dhiira-galin u ah ciidamada.
Shacabka ayaa ciidamada maamulka ku boorinayey in ay ka soo kabtaan jabkii ka soo gaaray dagaalkii Jimcihii ka dhacay Goojacadde, waana kuwo sheegayey in ay garab taagan yihiin ciidamadooda.
Dibaxbaxa shacabkan ayaa ku soo aaddaya xilli hoggaanka Somaliland uu ka dhawaajiyey inuu qaadayo weerar uu ku macneeyey aargoosi, oo uu uga jawaabayo jabkii ciidamada Somaliland ka soo gaaray fariisintoodii hore ee Goojacadde.
Weerarkii Goojacadde looga saaray, milatariga Somaliland, ayaa sidoo kale mideeyey Muuse Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaridka, kuwaas oo shalay ka heshiiyey doorashadii ay ku muran sanaayeen.
Xiisadan oo u abaabulan hab beeleed, ayaa xaaladda sii cakireysa, waana keeneysa inuu jiitamo dagaalka u dhaxeeyo SSC iyo Somaliland, kaas oo iminka socda wax ka badan 7 bilood.
WQ: Ayaanle Qoyste