Friday, September 12

Banaanbax lagu taageerayo dhameystirka dastuurka kmg ah ee iminka horyaalla labada aqal ee barlamanka ayaa maanta ka dhacay taalada dal jirka daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka banaadir, ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha bulshada degmooyinka gobolka banaadir.

Banaanbaxa ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaalle Madaalle, kaas oo ka hadlay ujeedada banaanbaxa maanta, isagoo Barlamanka ku booriyey in ay de dejiyaan ansixinta dastuurka.

Sidoo kale  wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla, ayaa ka warbixiyey muhiimada ay leedahay dhameystirka dastuurka, isagoo xusay in ay soo idlaanayaan khilaafaadkii soo kala dhex gali jiray Madaxda sare ee dalka.

Dibadbaxa ayaa intii uu socday waxaa magaca ururada haweenka ku hadashay Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo sheegtay in haddii aan la dhameystirin dastuurka ay meesha ka baxeyso mataaladii ay yeelan lahayd magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa daba jooga shir lagu diidan yahay wax ka baddelka dastuurka oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garoowe, kaas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin hore usoo qabtay hoggaanka dalka.

Exit mobile version