Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxaa Maanta magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ka dhacay dibadbaxyo rabshado wato oo ay dhigayeen Beelaha Jareer weyne, kaas oo ay uga soo horjeedeen xarigii Jeneral Sheegow.

Bannaabaxayaasha ayaa gubayey taahiro, waxeyna dalbanayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Sheegow oo sida ay sheegeen lagu xiray sifo sharci darro ah.

Dadka ka bannaanbaxayey magaalooyinkaasi, sida aanu wararka ku helayno waxaa rasaas ku kala eryey ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabelle ee ka arrimiya deegaanadaasi.

Bannaabaxyadan ka kala dhacay Jowhar iyo Baladweyne ayaa ku soo aadaya xilli uu shalay dibadbax rabshado wato ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dibadbaxaasi si la mid ah kan maanta dhacay looga soo horjeeday xariga Jeneral Sheegow oo ay dowladda Soomaaliya xabsiga dhigtay sabtidii aynu ka soo gudubnay.

Exit mobile version