Thursday, September 11

Munaasabad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, waxaana Soomaaliya loogu deeqay 18 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo is-badelka cimilada.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga   Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada.

Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.

Bangiga Hirumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka funaanta dhaqaalaha dalka.

Exit mobile version