Tuesday, September 16

Cabasho lixaad leh ayaa ka soo yeereysa dhallinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta, kuwaas oo walaac ka muujinaya bur burka wadooyinka qaar.

Wadooyinka bur bursan qaarkood waxaa fariistay biyo ka dhashay roobabkii dhawaan da’ay, waxaana xusid mudan in arrintaasi ay abuurtay ciriiri aad u fara badan.

Dhallinyaradan ayaa sidoo kale ka cabanaya Gaadiidka Xamuulka ah, kuwaas oo maalintii ka soo baxa Dekadda Muqdisho, halka qorshuhu ahaa in saqda dhexe ee habeenkii la soo fasaxo.

Arrimaha is biirsaday ayaa keenay in ay kordhaan shilalka ka dhaca wadooyinka caasimada, kuwaas oo geysta khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Exit mobile version