(Hortabin Media) – Qaar ka mid ah weriyayaasha ka howgala magaalada Muqdisho, oo kulan ku yeeshay gudaha caasimada ayaa si isku mid ah u canbaareeyey xariga ay dowladda Soomaaliya u geysatay weriye Bulbul.
Warfidiyeenada waxey xariga weriyaha ku macneeyeen afduub, maaddaama aan weli sharciga la horkeenin, la isagana heysto qol cidlo ah.
Saxafiyiintu waxey tilmaameen, in weriyaha aan lagu heynin wax denbi ah, iyagoo xusay inuu u xiran yahay shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo ku takri falaya awoodda dowladnimadda.
Bahda Saxaafada iyo ururada u dooda xuquuqda weriyayaasha ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga uga sii deyso weriyaha.
Weriyayaashu waxey si cad u sheegeen in xarigan uu qeyb ka yahay, dagaalka lagula jiro saxaafada xorta ah, waana tallaabo tiiraanyo leh oo mudan in ka hadalkeeda aan laga ganban.
Warfidiyeenada ayaa ugu danbeyntii dowladda ka codsaday in si deg-deg ah ay uga soo warbixiso xaaladda weriyaha iyo halka uu marayo kiiska lagu soo eedeeyey.
WQ: Ayaanle Qoyste