Sunday, September 14

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey xoogeysanayey dadaalada loogu jiro la dagaallanka musuqa, wuxuuna hadda baaritaanadiisu ay fatashayaan hay’adaha garsoorka.

Sida maxkamada gobolka Banaadir ay shaacisay, arbacadii waxaa maxkamada ka soo hor muuqday uddoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Yaaqshiid, kaas oo ay soo galeen tuhuno la xiriira musuq maasuq.

Maxkamada ayaa u ku wareejisay xabsi KMG ah, ilaa inta lagu ridayo xukun, iyadoo maxkamadu ay tilmaantay in ay ku qanacday dhamaan cadeymihii horudhaca ahaa ee la soo gudbiyey.

Garsoorka Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyey ahaa mid uu hareeyey musuq iyo wax is-daba marin, waxaana adkaata in muwaadiniinta si caddaalad ah loogu kala garqaado.

Sababta ugu weyn ee ay taasi ku suuragaleysay  ayaa ahayd lacagta laaluushka ah ee ay bixiyaan dad raba in loo kala garqaado, waxaana mar walba xoog badan jiray mid jeebka buuran.  

Exit mobile version