Sunday, September 14

Waxaa iminka baaritaan xooggan lagu billaabay xiisada ka aloosan Magaalada Baraawe, halkaas oo ay maalmo ka hor isku fara saareen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo Milatariga Soomaaliya.

Toddobaadyadan waxaa magaalada ku sugnaa Wasiirka gaashaandhiga iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo wada baaritaanka ku aaddan sida ay wax u dhaceen.

Madaxdan ayaa raadinaya cida leh masuuliyada dagaalkii halkaasi ka billawday, kuwaas oo ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hor keeni doono caddaalada.

Waxaa la isku keenay dhamaan ciidamadii uu dagaalku dhex-maray, waxaana la weydiiyey su’aallo la xiriira qaabka ay shaqaaqadu ku billaabatay.

Masuuliyiintan ciidamada ayaa sheegay in aysan aqbaleynin in ciidamada ay ku milmaan hannaanka qabiilka Soomaaliya, maaddaama ciidamada dalka lagu wareejin doono amniga dalka.

Si kastaba waxaa laga dhursugayaa, natiijada baaritaankan ay wadaa saraakiisha ciidamada xoogga ee garabka ka helaya Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Exit mobile version