Muqdisho, waxaa 5-cisho ka hor dil loogu geystay Alle ha u naxariistee Ganacsade Abuukar Gaabax, kaas oo laga afduubtay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Meydka Marxuumka oo markii danbe laga helay deegaanka Garasbaaleey ayaa keentay shaki badan, waxaana la tuhmay saraakiil kala duwan.
Dadka falkan u xiran waxaa ka mid ah Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Huriwaa, iyo ciidankiisa, kuwaas oo iminka baaritaano kala duwan lagu hayo.
Cadeymo ay duubeen kaamirooyinka hay’adaha amniga ee sida Qarsoon wax u duuba ayaa muujinaya in dilkiisa ay iska kaashadeen dhinacyo kala duwan.
Waxaa dadka eedda dilkiisa lala xiriiriyey ka mid ah Rag ay ganacsi wadaag ahaayeen Marxuumka oo ay ka wada shaqeysanayeen Cryptocurrencies, kuwaas oo uu muran soo kala dhex galay.