Friday, September 12

Gudaha Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad lagu daah furayey baaris caafimaadka indhaha ah oo loo sameynayo ardayda dhigatay jaamacada umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 8-kun oo arday.

Baaristan caafimaad ee dhanka araga ee ardayda loo sameynayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyey isbitalka indhaha Mustaqbal waxaana Daah furka baaristan, looga gol leeyahay in lagu oggaado heerka uu marayo cabirka araga indhaha ardayda dhigata jaamacada Umadda, iyadoo howshan ay socon doontaa muddo lix bilood ah.

Agaasimaha isbitalka Indhaha ee Mustaqbal Dr. Cabdi Samad Xasan Haye ayaa ka warbixiyey muhiimada ay arrintan u leedahay ardayda Soomaaliyeed, isagoo xusay in si lacag la’aan ah loogu sameynayo baaritaankan.

Hormuudka Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Umudda Dr Cabdi Nuur Faarax Maxamed ayaa sheegay in howshan ay ballaarin doonaan si ay uga faa’iideyntaan arday kale.

Fursadan ayaa noqoneysa mid ahmiyad gaar ah ugu fadhisa ardayda ka xanuusaneysa aragga sida uu tilmaamayo  Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda  Prof Cismaan Xasan Gacal.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa ardayda ku dhiiragelisay in ay ka faa’iideystaan howshan baarista lacag la’aanta ee dhanka aragga.

Si kastaba howshan baarista dhanka araga ee loo sameynayo ardayda dhigata jaamacada umadda ayaa waxaa ku lamaan qorshe tababar lagu siinayo ardayda kuliyadda caafimaadka ee jaamacadaasi, kuwaas oo la filayo in ay ballaariyan howshan, isla markaana ay baaris u sameeyaan ardayda kale ee dhigata iskuulada ku yaalla caasimada iyo maamul goboleedyada dalka.

Exit mobile version